Hot Topics

Xafalad meher lagu qabtay Taliska Gooja Cade.

Laascaanood :
Maalinadii Axada ee 03/09/2023, warbaahinta gudaha ayaa si weyn loo hadal hayaa xaflad aroos oo ka dhacay magaalada Laascaanood,  gaar ahaan xaruntii taliska gooja cade halkaas oo horey saldhig ciidan ugu ahayd ciidamada maleeshiyada snm ee Somaliland.

Dhacdadaan ayaa waxay diraysaa fariin ah xasiloonida deegaanka ka jirta ka dib dagaalkii jimcadii 25, August 2023, iyo sida ay dadka deegaanku ugu faraxsan yihiin inay la soo noqdaan talada maamul ee deegaankooda.

Wiil iyo gabadh reer SSC ah oo kala ah Cabdiqaadir Jaamac Xiis
Khadro Baashi Cali ayaa meherkii  ugu horeeyay ku dhigtay  Saldhigi Goojacadde ee laga saaray Somaliland.

IDILNEWS.