Hot Topics

Axmed Naaji oo ku geeryooday dalka UK

Alle ha u naxariistee Fanaankii weynaa ee Soomaaliyeed, Axmed Naaji Sacad ayaa ku geeryooday magaalada London ee dalka Ingiriiska. Marxuum Naaji ayaa aad loogu xasuustaa heesaha wadiniga iyo ducada ahaa ee uu u qaadi jiray dalka.

Madaxweynaha DFS Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Fanaan Axmed Naaji, isagoo tilmaamay in Marxuumku uu kaalin weyn uga jiray fanka Soomaaliyeed, isaga oo doorweyn ka qaatay sare u qaadida fanka, suugaanta iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa tiirarkiisa.

“Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Axmed Naaji Sacad oo magac iyo miisaan ku dhex lahaa bahda fanka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.”

IDILNEWS