Hot Topics

Maxay ku heshiiyeen Madaxweyne Xasan iyo Cali Jeyte?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo is daba joog ah kula yeelanaya magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan hoggaamiyeyaasha dhaqanka iyo siyaasadda iyo indheergaradka mid ka mid ah beelaha dega gobolkaas.

Ujeeddada kulankaas ayaa lagu sheegay dhegeysiga tabasho ay qabto beeshaas degta bariga Beledweyne oo uu ka soojeedo guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan oo sheegtay in uu madaxweyne u yahay maamul ka go’ay Hirshabelle. Jeyte oo ka horyimid go’aanka Hirshabelle ay xilka uga qaatay ayaa qeyb ka ah wada hadallada ka socda Maxaas.

Cali Jayte oo loo arko in uu yahay hoggaamiye saameyn weyn ku leh gobolka Hiiraan islamarkaas na kaalin weyn ku lahaa abaabulka iyo hoggaanka dagaalka ciidamada deeegaanka ay la galeen kooxda Al-Shabaab ayaa eedeyn horey ugu jeediyay dowladda federaalka iyo maamul Hirshabelle isaga oo dalbanayay in gobolka Hiiraan laga dhigo maamul gaar ah.

waxaa jira arrimo ay isku afgarteen labada mas’uul iyo qaar weli dhiman.

Wixii la isku afgartay waa in wixii siyaasad ah dib loo dhigo, wixii la xiriira dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaabna uu hogaamiyo Cali jeyte isagoo toos u hoos tagaya madaxweynaha.

Wuxuu intaa ku daray inuusan cidna hoos tegeyn uuna u madaxbanaan yahay wixii khuseeya hawlgalinta ciidanka Macawisleyda ee gobolka Hiiraan.

Ilaa 200 oo xubnood ayaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud la yeeshay kulamo is dabajoog ah oo qiyaastii ilaa afar kulan gaaray sida ay dad xog-ogaal ah  sheegeen, waxayna xubnahaas oo isugu jiray siyaasiyiin, saraakiil ciidan, ganacsato iyo oday dhaqameed ay kulamaadaas madaxweynaha ku weydiisteen in gobolka Hiiraan laga dhigo maamul goboleed gaar ah.

Qodobbada ay ku heshiiyeen labada dhinac

Qodobka hore waa in aysan beesha aqoonsanayn, diyaarna u ahayn in ay la shaqayso maamulka Hirshabeelle, kan labaadna waa in uu madaxweynuhu aqoonsado maamulka Hiiraan state.

waxaa kaloo la sheegay in aan hadda quus la taagneyn oo weli beesha iyo madaxweynaha ay kulamo u socdaan, wuxuuna muujiyey in kulamadaas ay mirodhal noqon doonaan.

IDILNEWS.