Hot Topics

Cabsida laga qabo hubkii faraha badan ee SL laga qabsaday

Maraykanka iyo Itoobiya,ayaa cadaadis ay sameeyeen,waxay ubadan tahay in uu miro dhalo.

Saraakiil sar-sare oo Maraykan ah,ayaa Deni kula kulmay Adis-ababa Itoobiya,waxayna kala hadleen xasiloonida Geeska dagaalkii Gooja-cade kadib.

Halka Muuse lagu saaray cadaadis xoog leh in uusan qaadin dagaal rogaal celis ah oo uu is xakameeyo dhankiisa.

Cadaadiska,ayaa ku salaysan is hor fariisinta Deni iyo Muuse.

Wal-walka jira,waa amaanka iyo in aysan ka faa’idaysan dagaallada Sool kooxaha argagixisada,kuwa Hubka ka ganacsada iyo Danbiilayaasha kale.

Ku dhawaad 2000-Qori oo yar-yar ah iyo 100-waa weyn,ayaa Gacanta Ciidanka SL ka baxay.

Itoobiya,waxay xirtay Xuduudka SL ay la leedahay,iyadoo ka baqsan in Hubkaas usoo gudbo.

Sidoo kale kooxaha argagixisada ah,ayaa uhawlgalay in Hubkaas ay wax ka helaan,iyagoo adeegsanaya dhaqaale.

Suuqyada qarsoon ee Hubka Garowe,Galkacyo iyo Bosaso,waxaa harqiyay Hub jaban,waxaana uu ka gaaray Qoriga BKM ah $2000 halka uu horay uga ahaa $12000.

Jibril Qoobey.

IDILNEWS.