Hot Topics

Heshiisyada Israa’iil iyo Falastiin.

Bariga dhexe waxaa ka soo kordhay akhbaar aad muhiim u ah IDILNEWS-na waxay ogaatay qorshe ay s wada jir ah uga shaqaynayaan Sucuudiga, Maraykanka, iIsraa’iil iyo Maamulka Falastiiniyiinta, qorshahaas oo ah in nabad lagu soo dabaalo khilaafka siyaasiga ah ee ka taagnaa Bariga dhexe muddada dheer, gaar ahaan Falastiin iyo Israa’iil.

Dhinaca Falastiiniyiinta waxay dalbanayaan in loo soo gacan galiyo  maamulka qayb wayn oo ka tirsan dhulka daanta galbeed ee iminka ay gacanta ku hayso Israa’iil,  waxay kaloo dalbanayaan lacag malaayiin dollar ah isla markaana dib loo soo celiyo safaaradoodi uu xiray madaxweynihii hore ee Donald Triumph.

Sadexda dhinac oo kale waxay u muuqdaan inay soo dhawaynayaan qorshahan.

Sucuudi Carabiya iyagu waxa ay doonayaan inay ku mano sheegtaan oo yiraahdaan anagaa ka soo shaqaynay qorshahan oo sidaana ay ku helaan qalab militari oo ay maraykan ay ka doonayaan oo ay ku jiraan warshado ku shaqeeya quwada nukliyeerja isla markaana bacrimiya yuraaniyamka.

Dhinaca Israa’iil iyadu waxa ay doonaysaa in iyada, Falastiin iyo Sucuudigu sidaa isugu soo dhawaadaan iyo weliba sidoo kalena ay cilaaqaad fiican la samaysato caalamka carabta iyo islaamka.

Dhinaca maraynkankana John Biden waxa uu doonayaa inuu noqdo madaxweynihii nabadaas ka soo shaqeeyay isla markaana dhaliyey heshiisyadaas nabadeed.
Isla markaana uu codad badan ku helo maadaama uu sanadka danbe galayo doorasho madaxweyne.

BBC.

IDILNEWS.