Hot Topics

Muxuu salka ku hayaa khilaafka Cali Ciid iyo Qoor Qoor?

Khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex taagan qaar ka mid ah madaxda sare ee dawlad-goboleedka Galmudug.

Qoraallo ay soo kala saareen Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa muujinaya in aad loo kala fogyahay.

Madaxweyne xigeenka, cali Daahir Ciid, ayaa soo saaray qoraal uu shaqada kaga joojinayo wasiirka arrimaha gudaha oo uu ku eedeeyay in uu xagal-daaciyay dagaalkii lagula jiray Alshabaab.

Daqiiqado kooban ka dibna waxa soo baxay qoraal uu Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye uu ku beeninayo qaraarka madaxweyne xigeenka.

Madaxweynaha ayaa sharcidarro ku tilmaamay shaqo-joojinta ku xigeenkiisu ku sameeyay wasiirkiisa arrimaha gudaha.

Sidoo kale Qoor Qoor ayaa qoraalkaan ku diiday xil ka qaadis golaha deegaanka degmada Caabudwaaq ay todobaadkii hore ku sameeyeen guddoomiyihii degmadaas.

Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Galmudug Cabdi Waayeel ayaa sheegay in warqadda madaxweyne ku xigeenka ay baal-marsan tahay dastuurka Galmudug.

“Iyadoo madaxweynaha joogo ma ahayn in xafiiska madaxweyne ku xigeenka uu shaqo joojin ku sameeyo mas’uulka ugu sarreeya wasaaradda arrimaha gudaha, ma lahayn awooddaas mana loo igmanin, waa xaddidan tahay mas’uulidda madaxweyne ku xigeenka waxyna ku caddahay dastuurka Galmudug.”

Muxuu salka ku haya Khilaafka?

Cali Ciid ayaa Wasiir Cabdi Waayeel ku eedeeyey inuu xagal-daacinayo dagaalka Al-Shabaab, shaqo gudasho la’aan iyo farogelin uu ku haayo golayaasha deegaanka ee degmooyinka Galmudug.

“Warqadda ka soo baxday xafiiska madaxweyne ku xigeenka Galmudug ee tilmaameysay shaqa joojinta loogu sameeyay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, wasiirka waxa uu gabay shaqadiisii iyo waajibaadkii ka saarnaa wasaaradda wuxuu sidoo kale ku milmay xagal daacinta dagaalka ka dhanka ah khawaarijta oo abaabulkiisa aad uga socday Galmudug sidaa daraadeed digniino kala duwan oo aan wasiirka siinay inuu ka tanaasulo kala furfurka ciidamada Macawiisleyda ah ee aan waqooyiga gobolka Galgaduud ka aruurinay ee aan rabnay inay dagaalka ka qeyb qaataan.”

Wasiirka oo ka jawaabaya eedeyntaas ayaa yiri: “Arrintaas sal iyo raad toona ma leh aniga si gaar ah hadda uguma xil saarni la dagaalanka al-Shabaab waxaan ka shaqeeya wasaaradda arrimaha gudaha shaqadeyda ugu badanna waa arrimaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta, laakin maba jirtaba aniga xukuumadda aan ka tirsanahay ee uu Axmed Cabdi Kaariye hoggaamiyo go’aamadeeda iyo awaamiirteeda ee madaxweynaha soo jeediyo ayaan ilaaliyaa.”

Madaxaweyne ku xigeenka oo BBC-da wareysi gaar ah siiyay ayaa sidoo kale ku eedeeyay wasiir Cabdi Waayeel inuu faro-gelin ba’an ku hayay Golaha Deegaanka ee Cabuudwaaq.

“Wuxuu wasiirka ka mashquulay shaqadii dib u heshiisiinta beelaha Galmudug ee loo diray, isku dir beelaha iyo isku dir madaxda sare ee Galmudug iyo waxyaabo kale oo uu wasiirka ku kacay ugu dambeyn waxaan go’aansanay inaan shaqada ka joojino wasiirka maaddaamaa uusan u qalmin inuu u adeego bulshada Galmudug iyo bulshada Soomaaliyeedba,” ayuu yiri Cali Ciid.

Wasiir Cabdi Waayeel ayaa sidoo kale gaashaanka u daruuray eedeyntaas.

“Arrintaas laftirkeedana waan beeninayaa sababtoo ah anaga shirkaan u nimid Cabuudwaaq oo ay ka soo qeyb galeen ilaa afar boqol oo qof oo bulshada noocyadeeda kala duwan waxa uu ahaa shir dib u heshiisiin, toddobaaddadii la soo dhaafayna waxaa la qabtay dib u heshiisiin ballaaraan oo u dhaxeeyay beelaha halkaa wada dega. Waxaa xusid mudan in ka hor inta uu madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye uusan iman ay Galmudug ka jireen xaalado amni ayna adkayd in magaalo-magaale kale u gudubto.”

Muxuu Cali Ciid ka yiri warqadda Qoor-Qoor ee lagu burinayay shaqa ka joojintii wasiirka?

“Dhaqan gal ma ahan warqadda madaxweynaha waxay keliya ay dhaqan galeysaa haddii ay madaxweynaha iyo wasiirka shirkad ku yihiin xagal daacinta la dagaalanka al-Shabaab iyo kala furfurka ciidamada Macawiisleyda waa wax gaar ah oo la gartay. Qof allaalle qofkii xagal daaciya dagaalka Soomaaliya ka socda iminka tallaabo sharci ah ayaa laga qaadayaa” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Ciid.

“Madaxweynaha waxa lagu waafaqi karaa oo keliya waxa dastuurka uu qorayo laakiin haddii uu qaato wax ka baxsan dastuurkeena laguma waafaqayo in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dedaalaya, bilna joogay Galmudug, dagaalkii Shabaab ku fooggan, waqti badan ku bixinayo in la xagal daaciyo oo dhabar jebiyo oo la furfuro ciidamadii dastuurkeena ma dhigayo madaxweynahana kuma raacayo mana ku raaci karo, arrintaas aan sheegay waa qiyaano qaran, madaxweynuhu hadduu wax ka og yahay oo uu Cabdiwaayeel ku raacsan yahay waa qiyaamo qaran, waana in lagula xisaabtamaa.”

“Shaqa joojintaas waa dhaqan gashay waxaana hayadaha ay quseeyso farayaa in aysan la shaqeyn wasiirkii hore ee arrimaha gudaha, hay’adaha caalamiga ahna cid la shaqeyn karto ma jirto wasiiru dowlaha ayaa ku sima ah asagaas ayaana lala shaqeynayaa warqadda madaxweyne Qoor-Qoor uu soo qorayna dhaqan gal ma ahan,” ayuu yiri madaweyne ku xigeenka Galmudug.

Ma aha markii ugu horreysay ee khilaaf noocaas ah u dhexc maro qaar ka mid ah madaxda maamul goboleedka Galmudug.

BBC

IDILNEWS.