Hot Topics

Sacuudiga iyo Ruushka oo gaaray heshiis ka caraysiin kara Mareykanka

RIYADH — 

Sacuudi Carabiya iyo Ruushka ayaa Talaadadii ku heshiiyey inay illaa dhammaadka sanadka sii wadaan dhimis ay ku sameeyeen wax soo-saarka saliidda.

Heshiiskan ayaa suuqyada tamarta caalamka ka dhimaya 1.3 milyan oo barmiil oo saliid cayriin ah maalinkii, taasi oo sare u qaaday qiimaya saliidda.

Go’aanka Riyadh iyo Moscow ayaa qiimaha halkii barmiil ee saliid ah gaarsiiyey $90, taasi oo ah heerkii ugu sarreeyey tan iyo November 2022.

Tallaabada labada dal ayaa kordhin karta sicir-bararka iyo qiimaha shidaalka baabuurka. Waxay sidoo kale cadaadis cusub saari doontaa xiriirka Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Biden ayaa boqortooyada uga digay sanadkii tegay inay jiri doonaan “cawaaqib” uusan faa-faahin oo ka dhalan kara inay Ruushka kula saaxiibto dhimista wax soo-saarka, xilli Moscow ay dagaal ka waddo Ukraine.

Hadalka Sacuudi Carabiya, oo ay baahisay wakaaladda wararka dowladda ee Saudi Press Agency, ayaa lagu sheegay in dalka uu isha ku hayn doono suuqa, uuna qaadi karo tallaabooyin dheeraad ah haddii loo baahdo.

“Dhimistan dheeriga ah ee mutadawacnimada ah waxaa loo qaaday si loo xoojiyo dadaallada taxaddarka ah ee dalalka OPEC+, ayada oo ujeedku yahay taageeridda xasilloonida iyo dheeli-tirnaanta suuqyada saliidda,” ayaa lagu yiri qoraalka wakaaladda wararka SPA, oo soo xiganaya sarkaal aan la magacaabin oo ka tirsan wasaaradda tamarta.

Wakaaladda wararka dowladda Ruushka ee Tass ayaa iyana kasoo xigatay Alexander Novak, wasiir ku-xigeenka tamarta, inuu yiri in Moscow ay sii wadi doonto dhimis ah 300,000 oo barmiil maalintii.

Go’aanka ayaa “ujeeddadiisu tahay xoojinta dadaallada taxaddarka ah ee dalalka OPEC+ ayada oo ujeedku yahay taageeridda xasilloonida iyo dheeli-tirnaanta suuqyada saliidda,” ayuu yiri Novak.

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan ayaa diiday inuu ka hadlo saameynta uu go’aankan ku yeelan karo suuqyada, inkasta oo uu sheegay in saraakiisha Mareykanka ay xiriir joogto ah la leeyihiin boqortooyada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Biden “uu adeegsan doono wax kasta oo uu awoodo,” si uu u caawiyo shacabka Mareykanka.

Xiriirka Sacuudiga iyo Washington ayaa xumaa tan iyo markii la doortay madaxweyne Joe Biden November 2020.

Biden ayaa ololaha doorashada ku sameeyey ballan-qaad ah in dhaxal-sugaha boqortooyada Mohammed bin Salman uu ka dhigi doono “go’doon,” sababo la xiriira dilkii 2018-kii ee wariye Jamal Khashoggi.

Hase yeehsee, xiisadda labada dal ayaa qabowday bilihii dhowaa ayada oo maamulka Biden uu raadinayo heshiis ay Riyadh xiriir diblomaasi kula yeelato kuna aqoonsato Israel.

AP

IDILNEWS.