Hot Topics

Maxaa kasoo baxay wadahadalladii dowladaha Somaaliya iyo Itoobiya?

MUQDISHO — 

Ra’isul Wasaare ku Xigeenka Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Salah Axmed Jamac, ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay dhiggiisa dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassan, iyo wafdi uu hogaaminayay oo maanta Muqdisho tagay.

Sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Soomaaliya, labada masuul ayaa ka wada hadlay sii xoojinta xiriirka dhinacayada kala duwan ee labada dal.

Ra’isul Wasaare ku Xigeenka Soomaaliya Salah Axmed Jamac ayaa sheegay in wada hadalkooda ay xoogga ku saareen xiriirka labada wadan ee dhinacyada ganacsiga, horumarinta dhaqaalaha, waxbarashada, amaanka iyo la dagaalanka al-Shabab.

Dhinaca kale, Ra’isul Wasaare ku Xigeenka Ethiopia Demeke Mekonnen Hassan ayaa ka mahad celiyay sida loogu soo dhaweeyay Muqdisho.

Waxa uu hoosta ka xariiqay sida dowladda Ethiopia ay uga go’antahay sii wadista taageerada ay u fidineyso dowladda Soomaaliya.

AP,

IDILNEWS.