Hot Topics

Xasan Shiikh oo abaabulaya Guluf rogaal celis ah oo uu ku qaado argagixisada

Weerarkii hore,waa ku jabay,waxaana Dhimasho,Dhaawac iyo wax la waayay noqday ku dhawaad 2500-Askari.

15-kun oo Askari,ayuu abaabushay oo la Aaday Galgaduud si uu ugula dagaallamo argagixisada ubadan Beeshiisa oo lagu qiyaasay in ay dhan yihiin 6500-Maleesiyo.

Dhanka argagixisada,waxaa xogaha la helayo ay sheegayaan in ay iska difaaca weerarkaas ku waayeen ku dhawaad 2000-Maleesiyo ah.

Jabka ku dhacay Maleeshiyadii iyo Ciidamadii uu abaabulay Madaxweynaha Fadaraalka,waxaa sabab u ahaa Laba arimood oo kala ah….

1.Dhaqaale loo qaybiyay Saraakiisha Ciidamada oo ka kala yimid Qadar,Ganacsato Xamar joogta iyo Shabaab laftigooda.

2.Beelaha aan ahayn Beesha Madaxweynaha oo ka gadooday Hubkii iyo Gaadiidkii oo uu gaar usiiyay Beeshiisa,waxaana la sheegay in 29-Gawaarida dagaalka ah ay qaadatay Beesha Abgaal,halka 100-BKM uu Qoor-qoor ugu dhiibay Beesha guud ahaan Beesha HG,kuwaasoo aysan waxba ka gaarin oo Qoor-qoor kala bar leexsaday intii kalena uqaybiyay Beeshiisa hoose.

Hadalkii Waare,ayaa la aaminsan yahay in Madaxweynuhu usoo dhiibay oo uu ku helay taageero iyo Abaabul cusub.

Haatan,waxuu wadaa weerar rogaal celis ah oo 5-Jiho ah ka imaanaya,waxuuna saxay khaladaadkii dhacay,isagoo Beelaha ula fariistay Beel-Beel una qaybiyay Saanadii..

1.Xawaadle,waxuu siiyay Hal Jiho oo 40-km ah in ay ka hawlgalaan.

2.Sacad,Dir iyo Saleebaan,waxuu siiyay Jiho.

3.Cayr oo hal Jiho.

4.Abgaal iyo Murursade oo Jiho ah.

5.Ciidanka Dowlada oo daba socda.

Waxaa kor ka taageeraya Diyaaradaha dagaalka ee Maraykanka.

Xasan haduu kasoo adkaado argagixisada Beeshiisa ee ah tan ugu badan uguna khatarta weyn,waxay noqonaysaa Shaqo fiican oo uu qabtay una galaysa taariikhda kana siinaysa mudnaanta Madaxweynihii ka horeeyay ee aan waxba ka qaban la dagaallanka argagixisada.

Siyaasada loolankeeda,waa wax Maxaliya oo Somalida ka dhaxeeya,waxaase khatar weyn ah argagixisada.

Jibril Qoobey.