Xubin Sare oo ka tirsan Daacish oo Sirdoonka Puntland ay qabteen

Garoonka Diyaaradaha Bosaso,waxay ku qabteen Wardoonka Puntland Xubin ka tirsan argagixisada,waxaana la qabtay mar uu kasoo degay Diyaarad ka timid Xamar.

Baaris kadib,wuxuu qirtay in uu ka tirsan yahay ,dhawaana lagu soo daray kooxda,sida ay u xaqiijiyeen Idil News Saraakiil Pisa ka mid ah.

Sidoo kale,waxaa Gacanta lagu dhigay Nabadoon Deegaanka caanka ahaa oo uqaabilsanaa kooxda Damaanada iyo gudbinta Xubnaha Argagixisada,kaasoo isku dayay in uu Damiinto oo sheegtay in uu isaga Marti uyahay.

Ninka la qabtay ee Xamar ka yimid,ayaa qorshihiisu ahaa in uu ugudbo Buuraha si uu qayb uga noqdo hawlgalada argagixisadu ku waxyeelayso Bulshada.

Hay’ada Sirdoonka PL ee Pisa,waxaa ka muuqda isbadal weyn oo dhinac walba ah,waxayna kor uqaaday hawlgalladeeda.

Si gaar ah Xubnaha Hay’ada ee ka hawlgala Gobolka Bari,ayaa muujiyay dadaal iyo hawlkarnimo Shaqo.

Qalabka,Gaadiidka,Xarumaha iyo Dhaqaalaha ay ku hawlgasho,ayaa la xoojiyay Sanadkii ugu danbeeyay.