Hot Topics

Puntland oo ugu danbayn ku guulaysatay in ay gaar uhesho qoondadeeda Deeqaha

Puntland,waxay ku guulaysatay in ay si gaar ah uhesho Deeqaha Caalamka,gaar ahaan kuwa Baanka Aduunku maalgeliyo.

Barnaamijka Damal Caafimaad oo mudo ka socday Somaliya,ayaa qayb cusub lasoo fasaxay.

Puntland,ayaa Mashruucan ka heshay $45-Milyan oo lagu taageerayo Caafimaadkeeda,waxaana fulinaysa hay’ada PSI -Population Servise International.

Sidoo kale,waxaa ku mataanaysan Barnaamijkan kuwo kale oo dhaqaalaha ku baxaya udhow yahay $40-Milyan.

Marka laga soo tago hab maamuska Magaca Somaliyed ee Madaxda Dowlada Dhexe ay ku leeyihiin daahfurka Mashruucan ku kacaya $200-Milyan,majiri doono kormeerid DFS ay ku leedahay qaybaha ka fulaya PL iyo SL.

Ku adkaysiga go’aamadeeda iyo dadaalka ahaa in PL aysan la qayb noqonayn Dowlada Muqdisho,ayaa sababay in gaar loo siiyo qoondadeeda Mashaariicda Caalamku ku taageero Somaliya.

 

Jibril Qoobey.