Maxay tahay ujeedada ka danbaysa Mooshinka xilka ka qaadista ah Ee ka dhanka ah Biden?

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka Kevin McCarthy,ayaa Talaadadii Shalay shaaciyay, in Aqalku uu billaabayo baaritaan xilka lagaga xayuubinayo Madaxweyne Joe Biden.

Dadka ka faallooda arrimaha siyaasadda,ayaa sheegaya, in tallaabadani ay u muuqato mid cadaadiska siyaasadeed lagaga yareynayo madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump.

Sidoo kale,waxuu dareenka Shacabka,ayuu ujiheynayaa dhanka Aqalka Cad.

Warkan,ayaa soo baxay xilli ay soo dhaw-dahay doorashada madaxtinimada Mareykanka ee sannadka soo socda.