Shir-sanadeedka Barashada Nabadda PDRC Oo Garowe ka furmay

Garoowe: 21 Sep 2023: Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa maanta daah-furay Shir-sanadeedka Barashada Nabadda ee PDRC iyadoo maanta la xusayo Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda adduunka oo sanad walba la xuso 21-ka September.

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa madasha ka sheegay muhiimada nabaddu ugu fadhido aadanaha asaga oo xusay in dadka reer Puntland inay yihiin dad nabada ku caan ah, mar walbana loo baahanyahay in nabadda laga shaqeeyo.

Shir-sanadeedka Barashada Nabadda ee ay soo qaban qaabisay hay’adda PDRC, oo socon doona saddex maalmood ayaa waxaa ka qeybgalay Goleyaasha Dowladda Puntland, dadka nabada u dhaq-dhaqaa ee Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshadu ka koobantahay.

DHAMMAAD.
XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.