Hot Topics

Faahfaahin weerarada Xagjiriinta Xamaas ku galeen gudaha Israa’iil

Weerarrada ay qaadeen kooxda Xamaas oo u muuqday kuwa qorshaysan,ayaa waxaa uu lahaa Labo Weji.

Tobaneeyo Nin oo hubaysan oo ka tirsan kooxda Islaamiga ah ee Xamaas,ayaa u muuqda in ay gudaha u galeen Israa’iil.

Raggan hubeysan,ayaa waxaa ay wararku sheegayaan in ay Israa’iil ka galeen dhanka Koonfureed,islamarkana ay weerar ku qaadeen Ciidamo Israa’iil ah oo halkaasi joogay.

Weerarkan oo ahaa mid la yaab leh,ayaa waxaa uu kadis ku noqday Israa’iil, waxaan hal mar wada dhawaaqay Qalabka bixiya digniinada.

Maleeshiyaadka,ayaa ku galay Israa’iil Mootooyin, waxaana jira warar sheegaya in rabshado ay ka dhaceen in ka badan Labaatan goobood.

Raadiyaha Israel,ayaa sheegay in Soddon iyo Shan Askari oo Israa’iiliyiin ah la afduubtay,balse Israa’iil way ka gaabsatay arrinta Afduubka la sheegay in ay Xamaas fulisay.

Wajiga labaad ee weerarka xamaas,ayaa ahaa mid dhanka Gantaalada ah oo ay Israa’iil ku gareen.

Taliye sare oo ka tirsan Xamaas,ayaa ku andacoonaya in Kumannaan Gantaal ay ku garaaceen gudaha Israa’iil.

Howlgalkan ayay kooxda Xamaas ugu magac dareen “Howlgalka duufaanta Al-aqsa.