Sirdoonka Israa’iil oo ku guuldaraystay ogaanshaha weerarka Xamaas

Israa’iil ayaa leh mid ka mid ah Shabakadaha Sirdoon ee ugu ballaaran uguna casrisan Bariga Dhexe, gudaha iyo dibaddaba.

Waxay leedahay shaqsiyaad sirdoon oo wararka u soo gudbiya islamaarkana ku dhex jira kooxaha xagjirka ah maahan dhulka Falastiiniyiinta oo keliya laakiin Lubnaan, Suuriya iyo meelo kale.

Waxaa horey Sirdoonkooda ugu suurtagashay in ay dilaan hoggaamiyeyaasha xagjirka ah iyada oo la adeegsanayo duqeymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ama xitaa taleefoonnada Gacanta.

Haddana maanta, dhammaadka fasaxa Yuhuudda, waxay u muuqataa in lagu qabtay hurdadii oo la gaaday.

Xamaas waxay awoodday in ay qorsheeyso oo ay fuliso weerarkan sida taxadarka leh loo agaasimay ee ay u muuqato in Israel ay ka war heli waysay.

Way iska caddahay in Israa’iil ay qaadi doonto weerar culus oo aargosi ah, balse waxaa taalla su’aasha ah sababta sirdoonkoodu ay ugu guuldareysteen in ay ogaadaan weerarkan islamarkana aysan digniin u bixin.