Hot Topics

Muxuu caalamku ka yiri dagaalka ka dhex qarxay Israa’iil iyo Falastiin?

Dhowr Dal,ayaa ilaa iyo imika ka hadlay xiisada iyo dagaalka ee ka dhex aloosan Xamaas iyo Israa’iil.

Mareykanka,ayaa cambaareeyay dagaalka, wuxuuna ku booriyay Labada dhinac in ay ka waantoobaan kala aargoosiga.

Masar, oo inta badan dhex dhexaadisa Israel iyo mintidiinta Falastiin,ayaa Labada dhinac uga digtay cawaaqib xumada ka dhalan karta xiisadda hadda taagan.

War qoraal ah oo ay soo saartay Wasaaradda arrimaha dibadda Masar,ayaa ku baaqday in la muujiyo is-xakameynta ugu badan iyo baahida loo qabo in la badbaadiyo dadka rayidka ah.

Midowga Yurub iyo dhowr Waddan oo ah kuwa Qaaradda Yurub,ayaa sidoo kale cambaareeyay weerarka.