Hot Topics

Xarunta isgaarsiinta Booliska Puntland oo xariga laga jaray

Garoowe : 18 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xariga ka jaray Xarunta cusub ee Isgaarsiinta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa kormeeray xaruntan oo si casri ah u shaqeynaysa, lagana howlgeliyay hab isgaarsiin casri ah oo la iskula xiriirayo, wuxuuna warbixin ka dhegaystay Taliska Ciidanka Booliska iyo saraakiisha shaqada gacanta ku haya ee u xilsaaran isgaarsiinta Booliska.

Intaasi kadib, Madaxweynaha ayaa kormeeray qeybaha kala duwan ee xarunta Taliska Booliska, laamaha danbi baarista, Taliska Qeybta Gobolka Nugaal iyo xafiisyada kale ee Xarunta , wuxuuna Madaxweynuhu kulan qaatay oo warbixin ka dhegaystay, Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.