Hot Topics

Madaxweynaha Maraykanka oo booqanaya Bariga Dhexe

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden,ayaa Arbacada booqan doona Israa’iil, sida uu ku warramay Xoghayaha arrimaha dibedda Antony Blinken, oo kulamo is-daba joogo ah la yeeshay ra’iisul wasaaraha Israa’iil.

“Wuxuu halkan imaanayaa wakhti xasaasi u ah Israa’iil,Gobolka iyo Dunida,”Ayuu yiri Blinken.

Magaalada Washington,Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Jonh Kirby,ayaa u sheegay weriyayaasha in Biden uu booqan doono Tel Aviv, uuna isla maalintaas tegi doono Amman, Jordan, halkaasi oo uu kula kulmi doono Boqor Cabdallah,Madaxweynaha Masar Cadifatah el-Sisii iyo Madaxweynaha Maamulka Falastiin Maxamuud Abbaas.

Aqalka Cad,ayaa sheegay in Madaxweyne Biden uu xoojin doono in Xamaas aysan u taagneyn xuquuqda dadka Falastiin u leeyihiin sharaf iyo aayo ka tashigooda, uuna sidoo kale ka hadli doono baahida bani’aadannimo ee Qasa.