Waa kuma hogaamiyaha ay Puntland ubaahan tahay 2024-2029?

Kooxda is huwan Damjadiid +Daljir ee Villa Somaliya fadhida xiligan,waxay qorshaysteen intaan la gaarin 2026 Sadex Qodob oo kala ah…

1.Dastuurka oo ay dhamaystirtaan kuna buuxiyaan in Dalku uguuro nidaamka MW iyo ku xigeen.

2.Khayraadka Maamulkiisa oo laga gaaro heshiis udhigan hanaan Dowlad Dhexe oo aan Fadaraal ahayn,kaasoo ay hoos imaanayaan…

B.Shidaalka.
T.Midaynta Canshuuraha.
J.Hanaanka Maaliyada.

3.Amniga Maamulidiisa oo laga gaaro heshiis udhigan hanaan Dowlad Dhexe oo aan Fadaraal ahayn.

Maqnaanshaha Puntland ee kulamada iyo heshiisyada DG iyo Dowlada Qaran,ayaa caqabad ku ah xiligan,waana sababta ay awoodooda oo idil ugu jeediyeen Doorashada PL.

Hadaba hogaamiyaha PL ee 2024-2029,waxuu muhiim uyahay Dowlad dhiska iyo halka ay uguurayso ama fariisinta muuqaalka rasmiga ah ee ay yeelanayso ee Somaliya.

Waa kee hogaamiyaha aysan Damjadiid+Daljir marsan karin Qodobadaas udiyaarsan??.

 

Jibril Qoobey.