Hot Topics

Wasiirka cusub Ee Amniga Dowlada Puntland oo la dhaariyay

Garoowe: 26 October 2023: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Mudane Ibraahim Cartan Ismaaciil (Xaaji Bakiin) oo maanta lagu hor dhaariyey Shirka Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka cusub ee Amniga alle uga baryay in uu u fududeeyo xilka, wuxuuna kula dardaarmay in uu sida ugu wanaagsan u guto waajibaadka loo igmaday.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND.