Faallo:-Reer Mudug miyay Xisaabtu ka khaldan tahay?

Reer Mudug miyay Xisaabtu ka khaldan tahay?

1.20 ka mid ah Argagixisadii ku layn jirtay Gaalkacyo haldoorkii Bulshada oo Duhur laga toogtay.

2.Miinadii loo isticmaalayay Dhismaha Dekeda furdaaminteediii oo aan marna la ilaawi karin.

3.Mashruuca dhismaha Wadada Garacad-Goldogob diyaarintiisa.

4.Mashruuca Casriyaynta Garoonka Diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf diyaarintiisa.

5.Dib uhabaynta iyo Mushahaarka Ciidamada,gaar ahaan kuwa Mudug fadhiya.

6.Difaaca Sool iyo iska dhicinta SNM.

7.Dowlada dhiska Somaliya iyo aragtida PL ilaalinteeda.

8.Awood qaybsiga Siyaasadeed ee leh mudnaanta gaarka ah,sida ….

B.Wasiirka Maaliyada.
T.G.Gudiga Doorashada.
J.Talyaha Daraawiishta.
X.Talyaha Ciidamada Badda.

 

 

Xisaabtu kama khaldana ee waa ufadhidaa Reer Mudug,lagumana dhaliili karo maxaad Deni uwadatan.

 

Jibril Qoobey.