Hot Topics

Guul darrada Marwo Cabdi Bashiir waxaa sabab u ah MW Xasan Shiikh?

Xildhibaan Marwo Bashiir,ayaa kaalinta Afraad ka gashay tartankii Madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka,iyadoo heshay codod dhan 11 halka Haweenayda xilka ku guulaysatay oo reer Tansaaniya ah heshay codod dhan 172 , waxaana kaalmaha Labaad iyo Saddexaad soo Galay Gabdho matalayay Malawi oo 60-cod heshay iyo Senegal oo heshay 59-cod .

Dadaal iyo dhiiranaan xoog badan ayay muujisay Xildhibaanad Marwo Cabdi Bashiir,waxaase ka badiyay,waa Dowladeedii oo ugu horeeyo Madaxweynaheedii oo la galay dagaal hankeeda.

Kursigan,waxuu ahaa mid muhiim u ahaa Qaranimada iyo Bulshada Somaliyed…

1.Waxuu wax ka badi lahaa muuqaalka Caalamku u arko Qofka Somaliga ah oo haatan ku Shaabadaysan,Burcad  badeed,Argagixiso,Fakhri iyo Qaxooti.

2.Waxuu qayb ka qaadan lahaa Dowlad dhiska Dowladnimada Somaliya,gaar ahaan xilligan dagaalka argagixisada,qaadida Cunaqabataynta,dhismaha Ciidamada iyo Mashaariicda horumarineed.

3.Waxuu adkayn lahaa Qarannimada iyo midnimada Somaliyed,waxaana meesha ka bixi lahaa hadallada kala jarida iyo hoos udhigista Madax banaanideenna.

MW Xasan,waxa kaliya ee uhor istaagay hanka muwaadin Somaliyed ugagana hiiliyay mid Shisheeye,isla markaana Calankii dhulka udhigay,waa Qabyaalad.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Jibril Qoobey.