Hot Topics

Sacuudiga oo ku guulaystay martigelinta Koobka Kubbada Cagta Aduunka

FIFA,ayaa hada kudhawaaqday in Sa’udi Arabia ku guulaysatay Koobka aduunka in lagu qabto 2034.

Sida la sheegay dhaqaale xoogan ayay kubixisay Boqortooyadu in Koobka Aduunka lagu qabto Sacuudiga.

Dalalka Carabta,ayaa tartan xoogan iyo xifaaltan ugu jira marti galinta Koobka Aduunka,iyagoo dhaqaale badan ku bixinaya FIFA iyo dalalka tartanka lagalay intaba.

Wadamada Imaaraatka,Bahrayn iyo Kuwait,ayaa laga filayaa sidaas si lamida in dhaqaale badan ay ku bixiyaan.

Koobka Aduunku hada ma’ahan sidii hore oo loomaba xiiseeyo si lamid ah waayadii hore.

Tusaale macno wayn hada dunida uuguma fadhiyo oo ,Maraykan,Canada iyo Mexico
oo ah Dalal waa weyn oo dhaqaale haysta,ayaa Hal Sanad qaybsanaya marti galinta Koobka Aduunka.

Halka Sacuudiga iyo Qadar oo Dalal yar yar ahi dhaqaale iyo hanti badan kubixinayaan in Koobka Sduunka lagu qabto.

Canada,Maraykan iyo Mexico oo ka mid ah Wadamada lagu qaban doono 2025 oo hada Sanad naga xigo lagamaba dareemayo Koobka Aduunku in uu ka dhacayo.

 

Jibril Qoobey.