Hot Topics

Cawad oo taageero ka helay Islaan Ciise

Xurmadle Islaan Ciise Hoygiisa,waxaa ka dhacay kulan isagu iskugu yeeray haldoor Beesha ah.

Kulanku,waxuu daarnaa soo jeedin Islaanku kusoo jeediyay in lawada dhiso Musharax Axmed Ciise Cawad.

Waxaa kasoo qaybgalay Rag ay ku jiraan Maxamuud Shido iyo Cali Xoosh,waxaana soo jeedintii Islaanka ka cudurdaartay Maxamuud oo ku dooday….”In uu dhisayo Xasan Shire Abgaal”.

Balse Islaanka,ayaa ku ceshay in ay tahay Gudoon uu riday in Cawad lawada dhiso.

Sida xoguhu sheegayaan Maxamuud,waxuu ka Aaday Nayrobi,waana dansaday Taleefoonadiisa.

Xasan Shire oo utagay Islaanka,ayaa la sheegay in uu ku yiri… “Islaan,waad i
Qabyaaladaysay”.

Waa laga dareemay Olalaha Xasan arinkan soo kordhay oo waxaa ka muuqda hoos udhac weyn.

Jibril Qoobey.