Hot Topics

Dowlada Sudan oo amartay in la xiro Xaafiiska Siyaasada Ee QM

Sudan,ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay khamiistii inay si dhakhso ah u joojiso howlgalka siyaasadeed ee Qaramada Midoobay ee dalka ee (UNITAMS).

Ku-simaha Wasiirka arrimaha dibadda Sudan Cali Sadeq,aya usheegay Golaha ammaanka Qaramada Midoobay,sida ay qortay Wakaaladda Wararka ee Reuters.

“Dawladda Sudan waxay ka codsatay Qaramada Midoobay in si deg-deg ah loo joojiyo howlgalka UNITAMS,isla markaana waxaan jeclaan lahayn inaan idiin xaqiijinno in Dowladda Sudan ay ka go’an tahay inay si wax ku ool ah ula shaqeyso golaha ammaanka iyo xoghaynta,”Ayuu Sadeq ku yiri qoraalkiisa.

“Ujeeddadii loo aasaasay howlgalkan wuxuu ahaa in la caawiyo Dowladdii KMG ahayd ee Sudan kadib kacdoonkii Disembar 2018″Ayuu raaciyay qoraalkiisa Warqada Cali Sadeq,

Warqadan,waxaa loo diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres,sidoo kale,waxaa loo qeybiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee QM Stephane Dujarric oo wax laga weydiiyay go’aanka Sudan waxa uu xaqiijiyay in farriintaasi ay soo gaartay oo lawada gaarsiiyay Golaha Amaanka.

Sudan,ayaa u aragta in waxqabadka Xaafiiska Siyaasada QM ee Sudan uu fashilmay,isla markaana hiigsigiisu niyad jab yahay.