Hot Topics

Laba Qodob oo ku khasbay Deni in uu ku dhawaaqo wada hadal

Kulankii Islaan Ciise iyo Madaxweyne Deni ee qaatay dhawrka Saac Todobaadkii hore,ayaa waxaa ka dhashay hadalka Madaxweynuhu Maanta sii daayay.

Sidoo kale,waxaa jira kulan Axada dhacaya oo Safiirada BC ku go’aaminayaan wefti xoog leh oo Maraykanku hogaaminayo in Garowe loosoo diro.

Maxay kuwada hadleen Islaan Ciise?

“Islaanoow Adiga iyo Islaan Bashiir Wadanka badbaadiya,Boqorkii Dhabarkuu Mindi iga geliyay”Ayuu ku yiri Islaan Ciise.

“Ma waxaad rabtaa in aan ka daba hadalno Isimada wax soo saaray,maxaan qabanaa?”Ayuu ku jawaabay Islaan Ciise.

“May haka daba hadlina Isimada hadlay ee Nabad ka shaqeeya”Ayuu ku yiri MW Deni markale.

“Nabad ku dhawaaq marka hore Adigu si waadix ah oo 8-da Janaayo intaan la gaarin fur wada xaajood,markaas,ayaan Anagu wax qaban karnaa”.Ayuu ku jawaabay Islaan Ciise.

Haatan,waa fuliyay ballankii Madaxweyne Deni uu Islaan Ciise kasoo qaaday oo si qurux badan oo masuuliyadeed,ayuu uhadlay.

Madaxweyne Deni,waxaa laga rabaa in uu ka dhabeeyo hadalkiisa oo ficil ubadalo,isla markaana isaga iyo Mucaaradka oo Labada Islaan ay dhex fadhiyaan toos uwada xaajoodaan.

Mucaaradka dhankooda,waxaa laga rabaa in ay si buuxda usoo dhaweeyaan hadalka Madaxweynaha oo ay aqbalaan wada xaajoodka.

Puntland qabsata nooc Doorasho oo ay heshiis ku tahay,ayaa muhiim noo ah.

 

Jibril Qoobey.