Maxay Israa’iil ka damacsan tahay Qasa dagaalka kadib?

Israa’iil ayaa ku wargelisay dhowr waddan oo Carbeed inay doonayso inay ka abuurto aag difaac ah dhinaca Falastiiniyiinta ee soohdinta Gaza, si looga hortago weerarrada mustaqbalka taasoo qayb ka ah soo jeedinta go’doominteeda kadib dhammaadka dagaalka Gaza, sida ay ilo-wareedyo Masar iyo gobolka ah u sheegeen Reuters,

Sida laga soo xigtay saddex ilo-wareedyo gobolka ah, Israa’iil waxay qorshaheeda la wadaagtay dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun, iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta, kaas oo caadi ka dhigay xiriirkii Israa’iil sannadkii 2020.

Waxa kale oo ay sheegeen in Sucuudiga oo aan xiriir la lahayn Israa’iil oo joojiyey hab-raacii caadiga ahaa ee uu Maraykanku dhexdhexaadinayey kadib markii uu dagaalka Gaza bilowday 7-dii Oktoobar lagu wargeliyey qorshaha Israa’iil.

Ilo-wareedyada ma aysan sheegin sida ay xogtani ku gaartay Riyadh, oo aan si rasmi ah u lahayn xiriir toos ah oo ay la leedahay Israa’iil. Turkiga oo aan Carab ahayn ayaa sidoo kale loo sheegay, sida ay sheegeen ilo-wareedyadan.

Hindisahani ma tilmaamayo in uu soo afjarmi doono weerarka Israa’iil – kaas oo dib u billowday Jimcihii, kadib xabbad-joojin toddoba maalmood ah –balse waxa uu muujinayaa in Israa’iil ay ka gudubtay dhexdhexaadiyeyaasha Carabta ee la aasaasay, sida Masar ama Qatar, iyada oo doonaysa in ay qaabayso Gaza dagaalka kadib.

Ma jirto dawlado Carbeed oo u muujiyay wax rabitaan ah inay ilaaliso ama maamulaan Gaza mustaqbalka waxayna intooda badan si buuxda u cambaareeyeen weerarka Israel ee lagu dilay in ka badan 15,000 oo qof iyo burburinta dhul badan oo ka mid ah magaalooyinka Gaza. Xamaas waxay ku dishay 1,200 oo qof duullaankoodii Oct. 7 waxayna qafaasheen in ka badan 200 oo qof.

Dowladaha Masar, Sacuudiga, Qatar, Turkiga, iyo Urdun si degdeg ah ugama aysan jawaabin codsiyo ku saabsan inay ka hadlaan arrintan.

Reuters