Hot Topics

Maraykanka oo diyaarinaya wada xaajood dhexmara Xamaas iyo Israa’iil

Madaxa Hay’adda Sirdoonka Maraykanka ee CIA-da,ayaa u duulay Bariga Dhexe, si uu wadahadal ula yeesho mas’uuliyiinta Israa’iil iyo Qatar, isaga oo ka dhawaajiyay suurta-galnimada heshiis xabbad-joojin cusub ah iyo sii deynta la haystayaasha Qasa.

Dhanka kale Xoghayaha difaaca Mareykanka,ayaa hoggaamiyeyaasha Militariga Israa’iil kala hadlay dagaalka Qasa.

Booqashada Madaxda CIA-da,ayaa kusoo aadaysa,iyadoo mudadii Maraykanku ucayimay Israa’iil in ay kusoo gabagabayso hawlgalladeeda Qasa ay ka harsan tahay 11-cisho.