Hot Topics

Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland?

Somaliland markale ayay Masraxa Siyaasada Geeska Afrika kusoo laabatay oo heshay garab istaag Diblomaasiyadeed oo xoog leh.

Itoobiya,waa awood Siyaasadeed iyo Amni oo wax ugoynaysa cidii garab ka hesha.

Qodobada ay isla fahmeen Somaliland iyo Itoobiya,waxay kala yihiin…

1.In ay hesho Itoobiya Deked ay maalgashato oo SL ku taal.

2.In wada hadallada Somaliya iyo SL dib loogu soo celiyo Gacanta Dowlada Itoobiya.

3.In SL laga caawiyo Aqoonsi raadinta iyo Diblomaasiyada.

4.In SL laga caawiyo colaada Sool.

5.Iskaashi Amniga iyo Ganacsi.

Jabuti iyo Villa Somaliya si weyn ayay uga caroodeen tagida Muuse ee Adis iyo heshiiskan,waxaana ka fashilmay qorshe ay wateen.

Jibril Qoobey.