Xildhibaanada cusub Ee Baarlamaanka Puntland oo si rasmi ah loo dhaariyay

Garoowe, January 01, 2024:Maxkamadda sare ee Dawladda Puntland ayaa si rasmi ah u dhaarisay 58 mudane oo ka mid ah 66 Xildhibaan ee Golaha Wakiillada.

Dhaarta Dastuuriga ah:

” Waxaan ku dhaaranayaa magaca Illaahay, inaan ku dhaqmo diinta Islaamka, dastuurka dalka Puntland iyo qawaaniintiisa dhawro, xilka la ii dhiibay daacadnimo u guto, dalka iyo dadkiisana Lillaahi ugu adeego.”

Xildhibaannada cusub ayaa dhaarta kadib waxay Guddoomiye KMG ah u doorteen Mudane, Xildhibaan Xassan Cabdalla Xassan.

Waxaa lagu wadaa maalmaha soo socda inay doortaan Guddoonka rasmi ah ee Golaha Wakiillada, Madaxweynaha & Madaxweyne ku-xigeenka.

DHAMMAAD.

 

Halkan ka daawo muuqaalka