Hot Topics

Faallo:-Xildhibaanada cusub Ee Baarlamaanka Puntland

15-ka mid ah Xildhibaanada cusub waa haldoor Siyaasadeed oo reer Puntland ah oo ay ku jiraan Laba Xildhibaan oo heer Fadaraal ah,waxaana laga xusi karaa…

1.Cismaan Yuusuf Xaràare,Aas-aasayaashii PL oo hadana noqday Xildhibaan Fadaraal ah.

2.Xareed Cali ,waa Xildhibaan heer Fadaraal ah oo hadana noqday Wasiir heer Fadaraal ah.

3.Cabdi kaafi Cabdi Abshir Lataliyihii hore ee Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf,ahna Aas-aasayaashii Puntland.

4.Abwaanad Muna Diyaano.

Dhanka kale Isimada Saxiixooda Gudigu taabtay,waxaa ka mid ah…

1.Boqor Burhaan oo Afar soo gudbiyay,waxaana laga taabtay Hal Xildhibaan.

2.Beeldaajaha Cali Jibraahiil Hal Xildhibaan,ayaa laga taabtay.

3.Suldaan Cabdisalaan oo soo gudbiyay Sagaal,waxaa laga taabtay Laba Xildhibaan.

4.Suldaanka R.Bicidyahan,waxaa laga taabtay halkii Xildhibaan ee uu soo gudbiyay.

5.Suldaanka Beesha Reer Maxamuud;waxaa laga taabtay Hal Xildhibaan oo uu soo gudbiyay.

6.Ugaaska Beesha Awrtable,waxaa laga taabtay Hal Xildhibaan.

Dhamaan Isimada Saxiixooda la taabtay,waxaa wax ku haystay Isimo isla Beelahooda ah,kuwaasoo horay iyaguna usoo saxiixay Xildhibaano marka Boqorka laga reebo.

Guud ahaan marka laga qiimeeyo Xildhibaanada cusub waa macquul ucuntami kara Puntland dhan walba,waxaana xaqiiq ah in ay ka sarreeyaan kuwii mudo xileedkii hore.

Wax laga murmo ama lagu dagaallamo oo dhaliil ah meesha ma yaallaan.

Musharaxiintu duuduub haku liqaan hana udiyaar garoobaan Doorashada.

Jibril Qoobey.