Hot Topics

Faallo:-Waxa tartamaya waa Deni iyo Siyaasiyiinta Beesha Ciise Maxamuud?

Halkaa markay marayso Ciise Maxamuud ma midaysna Dhaqan iyo Siyaasiba,waxaana ordaya Siyaasiyiin tiro beel ah ismana salaamaan Labada Isin.

Sidoo kale taageero kama haystaan Gobollada kale,taa badalkeeda,waa ka dirirayaan in uu xukumo hogaamiye Ciise Maxamuud kasoo jeeda.

Hab dhaqanka Aaran-jaan iyo kor uqaadida Erayga ah “Taraha Anagaa leh” lagu daray Labadii dagaal ee Bosaso iyo Garowe,waxay usamaysay Siyaasiga Ciise Maxamuud rabitaan xumo Bulshada kale ee reer PL ah.

Arinkaa,waxaa fahmay Faroole oo Deni dhisaya,Wiilkiisana uwata Wasiirka Maaliyada ee ‘A”.

21-ka Xildhibaan ee Bari ma siinayaan Codka Siyaasi Ciise Maxamuud ah.

11-ka Xildhibaan ee Mudug oo lagu daray 2-da Burtinle ma siinayaan Codka.

17-ka Xildhibaan ee Sool,waxay ka heli karaan 6-Cod.

9-ka Xildhibaan ee Warsangeli,waxay ka heli karaan 3-Xildhibaan.

Ciise Maxamuud Gobolkoodu,waa kan ugu Xildhibaano yar,waxay hayaana waa 7-Xildhibaan oo ay ku loolamayaan ku dhawaad 12-Musharax.

Ugu yaraan 40-Xildhibaan,ayaa dagaal ugu jira in Siyaasi kasoo jeeda Ciise Maxamuud uusan qaban hogaanka.

Gaas,ayaa ahaa Ninka noqon lahaa badalka Deni,waxaase dilay arinka Sool,qaadacaadii Xildhibaanada,kasbasho la’aanta Gobolkiisa iyo kala daadsanaanta uu ku bilaabay Olalihiisa.

Deni iyo Sadex Siyaasi oo Ciise Maxamuud ah markay isku soo haraan,waxaa la hubaa 100% in Deni la dooranayo.

Ciise Maxamuud dib isu abaabulid buu ubaahan yahay kumana filna 4-ta Casho ee ka harsan Doorashada.

Waa saadaashayda ee ma’ahan Dhacdo taariikhda gashay.

Jibril Qoobey.