Hot Topics

Guud ahaan Madaxda Somalida ooo uhanbalyaysay Madaxweyne Deni

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa dib u doorashada madaxweyne Deni ugu hambalyeeyay guud ahaan shacab reer Puntland.

Madaxweyne Axmed Madoobe,ayaa madaxweynaha Puntland alle ugu baryay in uu u fudadeeyo masuuliyada loo dooortay.

Raisul Wasaarihii hore Ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray madaxweynaha Puntland oo maanta mar kale loo doortay Saciid Cabdulllahi Deni .

Rooble ayaa madaxweynaha ugu duceeyay in uu alle u fudadeeyo masuliyaada culus ee loo doortay

Sidoo kale Raisul Wasaarhii hore Ee Soomaaliya ayaa amaanay dhinacyadii ka shaqeeyay in ay si nabdoon ku dhacdo doorashadan.

Madaxweynihii hore Ee soomaaliya Maxamed Cabdulllahi Farmaajo,ayaa hambalyo u diray Saciid Cabdulllahi Deni oo loo doortay ⁴ maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo,ayaa kula dardaarmay Madaxweyne Saciid Cabdulllahi Deni in uu ka shaqeeyo Puntland oo nabad galyo ah dadkeeda iyo siyaq3ageeda ay gacanta is haystaan Deegaanada oo uu horumara.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa u hambalyeey madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Saciid Cabdulllahi Deni.

Qoor qoor ayaa madaxweyne Deni u rajeeyay in uu ku guuleysta shaqooyin horyaala isagoona sheegay in dadka reer puntland ay ka sugayaan Puntland oo nabdoon horumarna gaarta.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa hambalyo u diray madaxweynaha Puntalnd Saciid Cabdulllahi Deni.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in ay dowlada fedaraalka ay garab taagan tahay dadka reer Puntland ayna waqti galin doonto Nabad Wadajirka iyo Horumarka Puntland.

Raisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray madaxweynaha mar kale dib loo doortay ee Puntland Saciid Cabdulllahi Deni.

Raisul Waaaraha ayaa sheegay in ay garab joogaan maamulka iyo guud ahaan shacabka Puntland.

Sidoo Raisul Wasaare Xamse ayaa dadka reer Puntland u rajeeyay nabad iyo horumar.

 

Madaxweynaha Dwlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicaziiz Xasan Maxamed Laftagareen ayaa hambalyo u diray madaxweyne Saciid Cabdulllahi Deni.

Laftagareen ayaa sheegay in dadka reer Puntland ay gaareyn guul Taariikhi ah ayna deegaankooda ka ilaashadeen wax walba oo colaad keeni karay.

Madaxweyne Saciid ayuu u rajeeyay in uu alle u fudadeeyay howlaha horyaala.