Hot Topics

Diyaarad u kiraysnayd QM iyo shaqaale la socday oo u Gacan galay Al-Shabaab

Wararka ka imaanaya Gobollada dhexe ee Somaliya,ayaa sheegaya in diyaarad helikobar ah oo u kiraysnayd Qaramada Midoobay ay ku degtay Deegaan u dhow Xiindheere oo ka tirsan Gobolka Galguduud.

Deegaanka ay ku degtay,ayaa waxaa ka taliya Ururka al-Shabaab,waxaana dhowr Ilo-wareed sheegeen in diyaaradda iyo shaqaalaha la socday ay u Gacan galeen Ururka Al-Shabaab.

Qaramada Midoobay kama aysan hadlin dhacdadan.