Hot Topics

Abiy oo ka warwareegaya in uu buriyo heshiiskii uu la galay Somaliland

Ma jeedin Abiy hadalkii laga sugayay in uu shaaciyo oo ku saabsanaa cadaynta mowqifka Itoobiya ee Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaran ee Somaliya.

“Sida Ethiopia ay uga go’antahay midnimada iyo nabadda Soomaaliya waxaanu ku muujinay dhiigga, iyo dhididka wiilasha iyo gabdhaheenna qalabka sida.”Ayuu yiri Abiy.

“Tobanaankii sanadood ee u dambeeyay ay Ethiopia baadi doonka nabadda Soomaaliya ku weysay kumanaan ciidan ah – oo aanu jirin- dal kale oo naf hurnimadaa u sameeyay”Ayuu ku daray hadalkiisa Abiy.

Abiy hadaladiisii hore kuwo ka dabacsan,balse aan ahayn kii laga sugayay oo soo afjari lahaa heshiiska isfahan ee dhexmaray SL,ayuu jeediyay.

Maraykanka,ayaa cadaadis ku saaray Itoobiya in ay ka laabato heshiiskàas,isla markaana ay cadayso in ay lama taabtaan tahay Midnimada,Madaxbanaanida iyo Xuduudaha Qaran ee Somaliya,sida xoguhu sheegayaan.

 

Halkan ka daawo muuqaalka