Hot Topics

Muxuu yahay ujeedka Itoobiya Ee qoraalka ay udirtay QM?

Ujeedka qoraalku waa in ay Itoobiya marin habaabiso, jahawareerna ku riddo Golaha Ammaanka, iyadoo ku doodaysa in heshiisku uusan xadgudub ku ahayn gobonnimada iyo madaxbanaannida Soomaaliya,xiisadna ka dhex abuuraynin labada Dowladood dhexdooda,xasillooni-darrina ka dhalinaynin Gobolka,si taasi u meelmartana waxaa:-

1- Qoraalku lagu sheegay in Dekeddu tahay mid Ganacsi,maadaama ganacsiga uu yahay arrin dunidu wada ogoshahay.

2- Wuxuu ka aamusay Ictiraafka Somaliland, wuxuuna ka gaabsaday ka hadalka Saldhigga Milateriga.

3- Wuxuu sheegay in ay ogeysiiyeen Dowladda Somaliya,si loogu suureeyo in Is-afgaradka uu la mid yahay kuwii ay horay ula geli jireen Somaliland.

5- Wuxuu taageerayaa go’aanka Golaha Ammnaaka ee Midowga Afrika ee iyaga danta u ahaa iyo dhexdhexaadinta Obasanjo oo lagu yaqaan uQareemidda Ictiraaf raadinta Somaliland.

Shalay Golaha Dhexe ee Xisbiga Itoobiya xukuma wuxuu meelmariyey in Is-fagaradka loo beddelo heshiis buuxa oo dhaqangal ah.

Xigasho:-C.C.Warsame.

 

Halkan ka akhriso:-