Hot Topics

Itoobiya”Qaramada Midoobey boos uguma banaana muranka na dhexyaal Somaliya”

Qoraalkan Dawladda Itoobiya,ayaa u dirtay Safiirkeeda u fadhiya Qaramada Midoobay si loo baajiyo dood uu Golaha Ammaanka ka yeesho is-afgaradkii ay 01/01/24 Itoobiya iyo Somaliland kala saxiixdeen,Nuxurkiisa,ayaa ah…

1- Itoobiya waxay ku andacoonaysaa in dekadda ay doonayso ay tahay mid ganacsi qaybna ka ah xiriirkii iskaashi ee kala dhexayn jiray Somaliland ee dhanka Vadda,Ganacsiga,Maalgashiga,Beeraha, Caafimaadka,Ammaanka,Waxbarashada, Tamarta, iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha.

2- Waxay kaloo sheegeen in ay Dowladda Somaliya ee Federaalka ah ogeysiiyeen, sidaa darteedna aysan meel uga dhicin xeerka Qaramada Midoobay iyo Midowaga.

3- Waxay kaloo Itoobiya sheegtay in Golaha Ammaanka ee Midowga Afrika uu Gacanta ku hayo arrinka,una magacaabeen Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo in uu dhexdhexaadiyo ka noqdo, taasna ay diyaar u yihiin sidaa daraaddeedna aysan meel uga banaanayn Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Halkan ka akhriso:-