Hot Topics

Goorma ayay dhacaysaa Isku Shaandhaynta balaaran Ee Golaha Wasiirada DFS?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Wasiirada Wasaaradaha Beeraha iyo Howlaha Guud.

Dabcan waxaa muuqata Wasaaradaha Macnaha leh in MW Xasan dib udhigtay,kuwaasoo ka kala imaanaya….

1.Qaar waxay ka imaanayaan arimo siyaasadeed oo dalka kataagan iyo mucaaradka Dawlada in lagu dajiyo.

2.Qaar waxay ku imaanayaan boosas banaan oo la buuxinayo sida nidaamka 4 5 ku dhigayo.

3.Qaar waxay ku imaanayaan Wasaaradaha oo loo kala badalo xubnaha qaar si Musharaxiinta Koonfurgalbeed iyo Galmudug jaanis loo siiyo.

Dawlada Federaalku hada waxay xooga saaraysaa Jubaland Galmudug Hirshabele iyo koonfur galbeed inay ku yeelato saamayn ka balaaran mida hada oo cabsi ayay ka qabtaa xubnaha hada hogaamiya inay kusoo laabtaan kuwaas oo haday soo laabtaan kubiiraya Puntland oo kahor timid faragalinta Villa Somalia kuhayso Dastuurka Federaalka Somalia oo ay tahay in dhamaan umada soomaaliyeed laga talo galiyo koox gaar ahina kugaarin mansabka ay iyadu rabto.

Isku shaandhaynta balaaran,ayaa dhici doonta maal maha fooda inagu soo haya hadii rabi idmo.