Hot Topics

Madaxtooyada Somaliya oo xaqiijisay in uusan MW Xasan la kulmayn RW Abiy

Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Somaliya,ayaa mar kale ku celiyey in aanay qorshaysnayn kulamo dhexdhexaadin ah oo dhexmari doona Madaxda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya illaa Dowladda Itoobiya ay ka laabanayso go’aankii ay isafgaradka kula saxiixatay Somaliland.

Agaasimaha Xiriirka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige,ayaa u
sheegay in kulamo dhexdhexaadin ah aysan ka dhici doonin Talyaaniga iyo meel kaleba.

“Mowqifkan waxa uu waafaqsan yahay mowqifkeenii ahaa in aanay wax dhexdhexaadin ah dhici doonin illaa Itoobiya ay ka laabanayso MoU-da sharcidarrada ah, ayna ka xaqiijinayso gobannimada, midnimada iyo madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya,”Cabdulqaadir Cali Dige,ayaa sheegay.

“MoU-du keliya xadgudub kuma aha xuquuqda dhuleed ee Soomaaliya, waxay sidoo kale boqongoynaysaa mabaadii’da xeerarka caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka. Dawladda Federaalka ee Soomaaliya waxaa ka go’an u hoggaansanaanta mabaadii’dan, waxayna diyaar u tahay inay la macaamisho dhammaan saaxiibada caalamka oo ay ku jiraan AU (Midowga Afrika), UN (Qaramada Midoobay), iyo (urur goboleedka) IGAD, xiriir ku salayn kala faa’iidaysi salka ku haya xeerarka caalamiga ah oo horseedi kara horumar dhaqaale iyo barwaaqada oo la wadaago,”Ayuu intaas ku daray.

Hadalkan,ayaa imaanaya;iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ay labaduba haatan ku sugan yihiin magaalada Rome oo ay kaga qaybgalayaan shirka madaxda Afrika iyo kuwa Talyaaniga.

Dawladda Itoobiya;iyaduna dhinaceeda ma sheegin kulan u qorshaysan labada dhinac.