Hot Topics

Baarlamaanka Puntland oo kor loo qaadayo Aqoontooda

Garoowe, January 31, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Mudane, Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane, Maxamed Maxamuud Ciise ayaa furay kulan aqoon Is-waydaarsi ah oo loo qabtay Xubnaha Golaha Wakiillada ee Dawladda Puntland.

Aqoon iswaydarsiga waxaa lagu baran doonaa Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada, doorka metelaada, nidaamka xeer-dejinta, kormeerada iyo korjoogteynta Hay’adaha Dawladda.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Mudane, Cabdirisaaq Axmed Siciid ayaa xubnaha Golaha Wakiillada kula dardaarmay inay ka faa’idaystaan mudada uu socdo, kaas oo ay qabtay Hay’adda Max Planck Foundation.

– DHAMMAAD –

Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta
Golaha Wakiillada Dawladda Puntland