Hot Topics

Madaxweynayaashii hore Sh.Shariif iyo Farmaajo oo aqbalay Gogosha PL fidisay

Puntland,waxay muujisay masuuliyad iyo damqasho ay uhayso dhismaha Dowladnimada Wadanka.

Tanaasul iyo dabacsanaan ayay la Shir timid,taasoo xoojinaysa doorkeeda Dowlad dhiska Somaliya.

Madaxweyne Deni hadii Shalay Dadka qaarkiis ku eedaynayeen Nin aan tanaasulin,haatan,wuxuu muujiyay tanaasul.

Madaxda DFS dhankooda,waxaa laga rabaa in ay la yimaadaan tanaasul,damqasho iyo hogaamin sare.

Sinjiga Somaliga ah si loo ilaaliyo Dhulkiisa iyo Dowladnimadiisa,waxaa xilligan hor tobin uleh Laba Qodob oo kala ah….

1.Qabyo tirka Dastuurka KMG ah.
2.Dhismaha Ciidan Qaran.

Madaxweynayaashii hore ee kala ah Sh.Shariif iyo Farmaajo,ayaa si buuxda utaageeray Gogosha Somaliyed ee ay Puntland fidisay.

Puntland doorkeedii waa qaadatay ee hala helo doorka Somalida kale si horay loogu socdo.

 

Jibril Qoobey.