Hot Topics

Madaxweyne Deni oo lagula taliyay in uu ka baaqdo fasaxa Bisha ah

Haduu ka baaqdo socdaalka aadka loo sheegsheegayo ee nasashada ah Madaxweyne Deni,waa tala qaatay.

Dad badan,ayaa kula taliyay in uusan safar gelin xiligan,sababtoo ah, Dadku aad ayay uga qabaan rajo waxqabasho oo balaaran.

Tagistiisa xilligan,waxay muujinaysaa Laba arimood oo kala ah….

1.Jileecuusan Shaqada adag ee Siyaasada ulahayn adkaysi.

2.Xurmo daro iyo damqasho la’aan Dadka iyo Dalka.

Muxuu ku luminayaa?

1.Taageero badan oo uu hada haysto.
2.Fursado Siyaasadeed oo uu ka faa’idaysan karo.

Ugu yaraan haduu baxayo MW,waxaa qurxoon magacaabista Wasiirada kadib iyo isagoo wakhti kooban maqnaada.

Waxaa kaloo muhiim ah….

B.In uu Dadka la hadlo marka uu baxayo.

T.In uu Dadka la hadlo marka uu soo laabto.

J.In uu la kulmo Haldoorka,Ardayda iyo Muwaadiniinta ku duruufaysan Wadamada uu tago.

X.In uu la hadlo Jaaliyadaha si guud.

Saakay haduu ubaxo fasax Bil ah,wax weyn,ayaa ka xumaanaya.

JQ.