Hot Topics

Talo soo jeedin ku socota Amniga Caasimada Puntland

Amniga Caasimada?!

Eedayn aan wadan aragti wax lagu saxo macno ma yeelato.

Sidoo kale eedayn aan waaqiciga Dhulka yaalla ku salaysanayn qiimo maleh.

Aragtidayda Gacanta loogu qaban karo Amniga Caasimada Puntland ee Garowe,waxay tahay…..

1.In la yagleelo Talis gaar ah oo la yiraahdo (Amni Caasima).

2.In loo sameeyo Agaasin Amnigaas maamula.

3.In loo diyaariyo Ciidan ugaar ah.

4.In Gaadiid,Qalab iyo Dhaqaale loo diyaariyo.

5.In Agaasinka Amniga Caasimada laga dhigo waax hoos timaada Madaxtooyada oo la leh Awaamiirta iyo Miisaaniyada.

Qiimayntayda,waxaa ku filan Dad ahaan Agaasinkaas 500-Askari oo iskugu jira Ciidan Labisan,sirdoon iyo Taraafiko ah VIP.

Dhaqaale ahaan,waxaa ku filan Mushahaar,Dayactir,Qalabayn iyo hawlgelid Bishii %5 Miisaaniyada Dowlada PL oo udhiganta $400-kun.

Guul baan urajaynayaa PL.

JQ.