Hot Topics

Mareegihii Alshabaab oo Shaqaynaya kadib xiritaankii DFS

Hay’adda Nabadsugida Xamar ee NISA,ayaa ku dhawaad 20 Mareegood ama Website-yo sheegtay in ay ka xirtay kooxda Al-shabaab.

Website-yada NISA ay soo bandhigtay,ayaa ahaa kuwii ugu waa weynaa oo ay kooxda Al-shabaab ku faafin jirtay wararkeeda.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta DFS Cabdiraxmaan al Cadaala,ayaa ku soo qoray bartiisa Facebook mm “in gabi ahaanba uusan jirin maanta bog ay leeyihiin al Shabaab oo shaqaynaya”.

Balse saacado uun ka dib markii ay DFS ku dhawaaqday xirista Mareegahaas,ayaa waxa ay al Shabaab isticmaalayaan webiste yo cusub oo wata isla magacyadii ay dawladdu sheegtay in ay xirtay.

Waa wax muujinaya in Warkii DFS sii daysay uusan dhamaystirnayn.