Hot Topics

Iran oo isu diyaarinaysa dhismaha Warshado Niyukleerka ku Shaqeeya

Iran,ayaa bilowday dhismaha afar Warshedood oo kale oo ku shaqeeya tamarta Nukliyeerka, kuwaas oo ay ka dhisayso dhinaca Koonfureed ee dalkaasi. Wershedahan ayaa la filayaan inay soo saaraan Tamar gaadhaysa illaa 5,000 oo megawatt, sida ay baahisay wakaaladda Wararka Dalka Iran ee IRNA.

Iran,ayaa doonaysa inay soo saarto tamarta Nukliyeerka oo gaaraysa illaa 20,000 oo megawatts marka la gaaro sannadka 2041.

Iran,ayaa haatan leh Hal Wershed oo ku shaqaysa tamarta Nukliyeerka, taas oo soo saarta illaa 1,000 megawatt, waxaana wersheddani ay shaqada bilowday Sannadkii 2011,kadib markii ay taageero ka heleen dalka Ruushka.

Iran,ayaa sidoo kale Warshad weyn oo ku shaqaysa Tamarta Nukliyeerka, ka dhisaysa, Gobolka Saliida Qaniga ku ah ee Khuzestan ee u dhow xuduudda ay la wadaagaan dalka Ciraaq. Warsheddan,ayaa la filayaa inay soo saarto tamaar gaaraysa illaa 300 Megawatt.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta hubka nukliyeerka ayaa sannadkii hore sheegtay in Iran ay horumar ka samaysay, inay soo saari karto hub nukliyeer ah.

Xigasho:-VOA