Hot Topics

Faallo:-Maxaa dhacaya haduusan MW Xasan imaan Shirka Garowe-3

Haduu imaan waayo Shirka Garowe-3 ee Somali lagu badbaadinayo loo joojin mahayo.

Shirku,waa qabsoomayaa,waxaa kasoo qaybgalaya Maamulada,Siyaasiyiinta,qaybaha Bulshada Somalida oo idil iyo Beesha Caalamka,waxaana kasoo baxaya qorshe Wadanka horay loogu socod siinayo….

1.Hanaanka loo marayo Qabyo tirka Dastuurka,ayaa si caqli gal ah layskula fariisinayaa.

2.Hanaanka Doorasho ee wadanku galayo,ayaa laysla eegayaa.

3.Dhismaha Ciidan Qaran,ayaa laysla fariisinayaa.

4.La dagaallanka argagixisada,ayaa la dul istaagayaa.

5.Midnimada Dhuleed iyo Bulsho,ayaa la xoojinayaa.

Xasan talada Dalka kaligii maleh loogamana harayo ee waa lagu qabsanayaa oo lala jihaynayaa.

Si gaar ah,mudo xileedkiisii waa gabagabo marka lasoo gaaro xilligan oo kale Dowlada markaa jirtaa,waxay lumisaa maqaamka awoodeed oo waxaa loola dhaqmaa mid Doorasho galaysa oo sii socota.

JQ.