Faallo:-Awood qaybsiga Siyaasadeed Ee Wadanka oo looga bahdilay Beesha Daarood

Wadanka awood qaybsigiisu,wuxuu ku fadhiyaa Hab Beeleed ee kuma salaysna Hab Deegaan iyo mid Xisbiyo.

Beesha Daarood saamigeeda,waxay xaq uleedahay in ay ku matalaan Dad uqalma oo matalaad leh.

Cadkii ugu sareeyay oo ah Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada,waxuu MW Xasan ka dhigtay Wiil Gacan yare u ahaa oo Shaqadii Dastuurka Fadaraalku siinayay uu toos uqaatay isaga iyo Wiilka reer Burco ee ku xigeenka looga dhigay.

Magac uyaal lagu buuxsho Kursiga oo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir uu ka saamayn badan yahay,ayaa laga dhigtay matalaada ugu saraysa awood qaybsiga Siyaasadeed ee Beesha Daarood.

Sidoo kale,Wasiiradii awood qaybsiga ku matalayay,waxaa laga dhigay Wasaarado aan miisaan lahayn,Labadii A u ahaa mudo maleh Wasiiro oo waxaa ku adeegta MW iyo kooxdiisa.

Hab dhaqankan,wuxuu sii kala qaybinayaa Bulshada,wuxuuna abuurayaa,xumaan,kala fogaansho iyo Loolan aan macno lahayn oo aan dhamaad lahayn.

Somalidu,waxay ubaahan tahay midayn,is aqbalid iyo isqaadasho.

Jibril Qoobey.