Hot Topics

Xogo hordhaca oo laga helayo Magacaabista Golaha Wasiirada Dowlada Puntland.

Madaxweynaha,waxaa laga codsaday in uu soo dadajiyo magacaabista Golaha Wasiirada…

1.Wasiirada haatan jooga oo intooda badan ay filayaan in aysan soo laaban doonin.

2.Dayac shaqo iyo wax is daba marin dhici karta.

Balse Madaxweynuhu,wuxuu ku dooday….

1.In uu rabo soo xulid Miisaanman oo wakhti heshay.

2.I n uu ka Gacan buuxsado oo uu xaliyo dhaliilihii ahaa macno yarida Wasiiradasii 5-tii Sano ee hore.

Xogaha la helayo?

1.Wasiirka “A” ee Beesha Ciise Maxamuud,waxaa qaatay Suldaan Garaase iyo Abshir C. Huruse,waxayna ukeeneen Nin ka shaqeeya Hay’adaha QM.

Wasiirka Labaad “B” ee Beesha Ciise Maxamuud,waxuu noqon doona Duulista Hawada,waxaana qaatay reer Faroole.

2.Wasiirka Beesha Cismaan Maxamuud,waxaa qaatay Boqorka iyo Ilmo Diyaano.

3.Wasiirka “A” ee Beesha Cumar Maxamuud,waxaa qaatay Islaanka iyo Ragiisa.

4.Beesha Cali Saleebaan,waxay heli doontaa Labada Wasaaradood markii ugu horaysay.

5.Beesha Dhulbahante,waxaa kala heli doona Bah-ararsame iyo Ugaar yahan Laba Wasaaradood oo “A” ah.

6.Beesha Warsangeli,Wasaarada “A” waxaa qaadanayaa Cumar.

Waa xogo hordhac ah kuwan.

JQ.