Hot Topics

Iran oo wacad ku martay in ay jawaab adag ka bixinayso hadii…..

Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda Iran, Nasser Kanani,ayaa Isniintii Asia sheegay..

“Jamhuuriyadda Islaamiga ah waxay muujisay in ay mar walba si adag uga falcelineyso khatar kasta oo ku wajahan Amnigeeda,Madaxbannaanideeda Dhuleed iyo Qarannimadeeda.”

Wuxuu sii raaciyay hadalkiisa “Iran kama laba labayn doonto inay adeegsato awooddeeda si ay uga jawaabto weerar kasta oo ka dhaca dalkeeda,balse ma dooneyno in ay kasii darto xiisadda Gobolka.”

La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Sullivan,ayaa Axaddii sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono in uu ka aarguto kooxaha Iran ay taageero ee ku sugan Iraq iyo Syria.

Mar la weydiiyey haddii Mareykanka uu meesha ka saarayo suurta-galnimada inuu toos u weeraro Iran, Sullivan ayaa u sheegay NBC “Xikmad iima yeelaneyso inaan ka hadlo waxa aan xukmineyno iyo waxa aan meesha ka saareyno.”

“Haddii Uran ay doorato in ay si toos ah uga jawaabto Maraykanka, waxay la kulmi doonaan jawaab degdeg ah oo xoog leh oo naga timaada,”Ayuu yiri Lataliyaha Amniga Qaranka.

Xiisadda Gobolka,ayaa aad u kacsaneyd tan iyo 7-di October markii Xamaas ay weerar ku qaadeen Isra’iil iyo dagaalkii xigay ee Qasa,Kadibna ay kooxaha Iran ku xiran ee Iraq, Siiriya,Yemen iyo Lebanon ay fuliyeen weeraro la xiriira dagaalkaas oo Maraykanka ka dhan ah.