Hot Topics

Malaga Eryi karaa Kongareeska Maraykanka Ilhaan Cumar?

Waxay dhacdaa xaaladdo dhif iyo naadir ah. Waxay u baahan tahay isbiirsiga dhaqan xumo iyo u-adkeysi weysiga ficilada xishood la’aanta ah.

Sidaas oo ay tahay, Dastuurka Mareykanka ayaa siinaya aqalka Congress awood weyn oo ay shaqada uga eryaan saraakiisha dowladda dhexe oo ay ku jiraan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, laakiin ma leh awood taas u dhiganta oo ay xilka uga eryi karaan, si fudud xubnaha la mid ah ee loo soo doorto sharcidejinta.

Sababtu ma ahan wax kale, waa waa nidaamka sharciga dalkaas ayaa waxaa loo dhisay in lagu ixtiraamo rabitaanka cod-bixiyayaasha iyo xubnaha ay u doortaan baarlamaanka.

Xubno iskood waa isu casili karaan, laakiin in la eryo waxay u baahan tahay inay u codeeyaan aqlabiyadda aqalka Congress, tiro u dhiganta labo meel saddex meelood xubnaha Congress. Ma shaqo aan si fudud lagu gaari karin.

Sidaas oo ay tahay, xubinta laga eryayo Congress uma baahna inay gasho dembi, ama ay jabisho sharciga. Laakiin waa in la helaa saddex meelood, labo meel cododka aqalka si loo eryo.

Jidkaas oo la maro ayaa Ilhaan Cumar looga eryi karaa aqalka Congress, waase howl u eg in aysan marna dhici doonin sababtoo ah xubnaha xisbiga Republican ma heli karaan cod ku filan oo ay Ilhaan uga eryaan Congress, si la mid ah siddii ay uga eryeen guddiga awwoodda badan ee arrimaha dibeda.